biyo fadhiisi
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Biyo fadhiisi
Quagmire

Biyo fadhis
Marsh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhasheeg
dhasheeg¹: m.l (-gyo, m.dh) Biyakuhar; balli; laas.
dhasheeg²: m.l (-gyo, m.dh) (juqraafi) Dhulhoosaad fidsan oo had iyo goor wabax ah (ama aha sida biyo fadhiisiga, mar mar sidaa ah), waxana badanaa aad uga baxa deegaan, wuxuu marka u dhexeeyaa deegaan-biyood iyo biyo-fadhiisi.

haro folkaaneed
m.l (-dyo, m.dh) (jooloji) Biyo-fadhiisin ku samaysmay karaytar folkaano oo cidhib go'ay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yadan
m.l/dh (-mo/-nno, m.dh) Biyo fadhiisin yar oo hoos u dheer, qaranka dushooda ku samaysma.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhasheeg
dhasheeg¹: m.l (-gyo, m.dh) Biyakuhar; balli; laas.
dhasheeg²: m.l (-gyo, m.dh) (juqraafi) Dhulhoosaad fidsan oo had iyo goor wabax ah (ama aha sida biyo fadhiisiga, mar mar sidaa ah), waxana badanaa aad uga baxa deegaan, wuxuu marka u dhexeeyaa deegaan-biyood iyo biyo-fadhiisi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
harofolkaaneed
m.l (-dyo, m.dh) (jool.) Biyo-fadhiisin ku samaysmay karaytar folkaano oo cidhib go'ay.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Quagmire
Biyo fadhiisi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaasmoodiyam
-ka: (magac, lab, keli) dulin duumada keena oo ay anoofilistu soo gudbiso. Meelaha biyo fadhiisinnada waxa ku dhasha balaasmoodiyam.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyadhigitaan
-ka: (magac, lab, keli) roobka oo aad intuu u da'o dhulka biyo fadhiisiya. Biyadhigitaanku kolba intay le'egyahay buu dooggu soo baxaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooxo
-da: (magac, dhedig, keli) dhul ballaadhan oo biyo fadhiisin leh dooguna si fiican uga baxo oo aan dhagax iyo buur toona lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaf
(fal) fid oo baah; meelo badan isku ballaadhi. Li: urur, kooban.
faaf -ka: (magac, lab, keli) dhul ballaadhan oo biyo fadhiisin ah; meelo badan oo la saabto. Dh: doox.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geshin
(tilmaame) meel godan oo biyo fadhiisi ah cosobkuna ku yaallo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muquuf
(fal) faras xakame ku xidh oo muquuf afka u geli.
muquuf -ka: (magac, lab, keli) bir xakamaha faraska xagga hore kaga xidhan oo faraska afka loo geliyo. Dh: durmad, muquus.
muquuf-ta: (magac, dhedig, keli) meel jilicsan oo biyo fadhiisin ah oo la go'da wixii ku joogsda. Dh: muquufti.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muquufi
-ta: (magac, dhedig, keli) meel jilicsan oo biyo fadhiisin ah oo la go'da wixii ku joogsda. Dh: muquuf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaysaraan
-ta: (magac, dhedig, keli) bakoorad gadhka aad loo godo oo goobo loo dhawysiiyo oo lagu xarragoodo; ul geedka qaysaraanta laga. goosto Wiilkii yaraa oon waxba galab san ayuu qaysaraan la dhacay.
qaysaraan -ta: (magac, dhedig, keli) geedo caleen dhaadheer iyo laamo xubno leh bixiya oo selledaha, ulaha, gobayska iyo waxyaale kale oo badan laga sameeyo oo meelaha biyo fadhiisinka ah aad uga baxa. Bakoorad qaysaraan ah ayaan saaxiibkay hadiyad u siiyay. Dh: khaysaraan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yamays
-ka: (magac, lab, keli) Dhul weyn oo godan. oo biyo fadhiisin ah. Geelu yamays buu ka soo cabbay. Dh: yanuun.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
geler
geler, v. - biyo fadhiisin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
marécageux
marécageux, adj. - Dhay; Meel biyo fadhiisi leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyo-fadhis
m.l (-syo, m.dh) (juqraafi) Jiid dhul jilcan oo qoyan, badanaa waa godantahay, mararka qaarkoodna dhammaanteed ama qayb ka mid ah ayaa biyaha ka hooseeysa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biyo-fadhis
m.l (-syo, m.dh) (juqraafi) Jiid dhul jilcan oo qoyan, badanaa waa godantahay, mararka qaarkoodna dhammaanteed ama qayb ka mid ah ayaa biyaha ka hooseeysa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barqafadhiisi
-ga: (magac, lab, keli) xilli barwaaqa ah xoolaha oo duleedka fadhiista ka hor inta aan la lisin siiba lo'da. Barqafadhiisiga ka soo kiciya lo'da roobbaa inna hayee oo waylaha ku sii daaya.
barqafadhiisi-ga: (magac, lab, keli) xoolo foofay oo dhereg la fadhiistay gelin hora-ofadhiisi barqin ba. Xooluhu waa barqafadhiisi barwaaqada halkaa. Dh: barqadhereg. Li: qablan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyadhigis
-ta: (magac, dhedig, keli) roob weyn di'id oo dhulka biyo yeelasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u fadhiiso
v. convene, meet over; discuss (a topic)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyadhiijin
-ta: (magac, dhedig, keli) ka gungaarid aad ku ogaato shay tayadiisa, ama qof aad heshay inta ay le'egtahay dabeecadiisa iyo dadnimadiisa. Allahayoow badbaadada, ha ku xidhin bah iyo reer, biyadhiijin qoloqolo. Dh: biyodhiijin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku fadhiiso
v. sit on; hold down
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyafariisin
m.l (-nno, m.dh) Dhul godan oo biyo qabatin leh. la-mid: biyafariisad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biyafariisin
m.l (-nno, m.dh) Dhul godan oo biyo qabatin leh. la-mid: biyafariisad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedfadhiisi
-ga: (magac, lab, keli) geed hoostii arrin u fadhiisi sida gabadh doonisteed ama baane iyo garsoor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
banfariisi
banfariisi¹: m.l la-mid: danfariisi¹.
banfariisi²: f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: danfariisi².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyadhicid
m.f.dh eeg biyadhac². la-mid: biyadhac¹ (4).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyadhicid
-da: (magac, dhedig, keli) wax biyuhu ka badan yihiin oo biyabiyo ah noqosho. Shaaha rasiin ka dhig oo biyadhicidda ka daa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyadhigid
m.f.dh eeg biyadhig².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyadhigid
-da: (magac, dhedig, keli) roob biyo badan di'id. Shuuc biyadhigid maleh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyadiidid
-da: (magac, dhedig, keli) cabidda biyaha diidid. Dh: biyadiidis.
biyadiidid -da: (magac, dhedig, keli) arrin ku qanciwaayid oo natiijadeeda saluugid. Ka biyadiididda arrimaha badhkood wuu jiraa waana la xalliyaa. Dh: saluugid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biyosaaris
-ta: (n) drainage (dharee neeyj); the act of draining
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
IDO-HADHIS
(Ido-hadis) N Hildebrandtia somalensis Peter. Convolvulaceae.
N Seddera simmonsii Verdc. Convolvulaceae.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
u_fadhiiso
a: u fariiso
de: convene, meet over; discuss (a topic)
initial: u
lx: u fadhiiso
pd: (fadhiistay)
ps: v3b=expr
key: u_fadhiiso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyaddiidid
m.f.dh eeg biyaddiid². la-mid: biyaddiid¹ (2).
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Biyo saarid
Transpiration
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_fadhiiso
de: sit on; hold down
lx: ku fadhiiso
pd: (fadhiistay)
ps: v3b=expr
key: ku_fadhiiso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyafariisad
m.l la-mid: biyafariisin.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Biyo xidheen
Dam
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cirbadhiibsi
(Cirbadhiibsi-ga)
Faraha lugaha oo la isku taago, inta cirbaha kor loo qaado; cirbataag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirbadhiibsi
m.l Ku istaagidda faraha fooddooda iyadoo meel sare la tiigsanayo. la-mid: cirbadhiibsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cirbadhiibsi
m.l Ku istaagidda faraha fooddooda iyadoo meel sare la tiigsanayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cirbadhiibsi
vl. n. act of standing ~ walking on one's toes
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirbadhiibsi
-ga: (magac, lab, keli) faraha lugaha oo la isku taago inta cidhbaha kor loo qaado. Maanta oo dhan, cirbadhiibsi ayaan ku taagnaa. Dh: cirbataag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cirbadhiibsi
de: act of standing ~ walking on one's toes
lx: cirbadhiibsi
pd: (-ga)
ps: vn2-m
key: cirbadhiibsi
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Biyo xanniban
Connate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cidhbadhiibsi
-ga: (magac, lab, keli) inta cidhbaha kor loo qaado, faraha lugaha isku taagid. Dh: cidhbadtaagsi.